Posts

Showing posts from May, 2017

DOORKA MUWAADDINKA

Image
‘’Waa masuuliyadda shacabka inay ka ilaaliyaan Dawladdu inay khalad ku dhacdo’’ - Robert H. Jackson Mudo dhan rubuc-qarni ayuu Dalkeenu la’yahay Dawlad dhexe oo saamayn xoogan leh, inbadan oo ka mid ah bulshada qaybeheeda wax laga waydiiyo waxay ku sababeeyaan arimo kala duwan hase yeeshee waxaan anigu sabab uga dhigayaa muwaaddinka Soomaaliyeed oo isagu aalaaba aan isa saarin mas’uuliyadii uu lahaa. Markii dhanka kale laga eego bulshadu waxay u badan tahay kuwo aan aqoon Doorka Muwaaddinku leeyahay, halka qayb kalena iyaga oo yaqaan ay waayeen dhiiri gelin ku filan. Inta aan aqoon Doorka Muwaaddinka waxay eersadeen ka maqnaanshaha Meesha ee hay’adii Qaranka u qaabilsanayd ku baraarujinta wadaninimada iyo dal jacaylka. Waxaa xusid mudan in Dawladdii hore ee Soomaaliya ay u qaabilsanayd dhanka baraarujinta Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hanuunka Dadweynaha Muxuu kuu ogolyahay DASTUURKA Dalku? CUTUBKA 2AAD; Qodobka 11aad, Nuqulka 3aad: Xukuumadda ma takoori karto Qofna...

KORITAANKA IYO HORUMARKA QOFNIMO

Image
Qof walba naftiisa isaga ayaa u dooray halka uu joogo maanta ama uu qorshe ahaan hiigsanayo, waxaa laga yaabaa in aad naftaada cadaadis ku saartid inaad wax badan ogaatid si deg-deg ah balse iskuday inaad nolosha u eegto sida iskuul ookale, taas oo la macne ah inaan wax walba halmar lagu baran karin balse maalin walba aad wax cusub baranayso inta aad nooshahay. Marka aan eego dad badan oo nolosha guulo ka gaaraya, waxaan rumaystaa inaysan qofna qofka kale noloshiisu la nooc ahayn, sidaa awgeed uma baahnid inaad qof uga dayato sidii aad guulahaaga ku gaari lahayd maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inaydan isku meelba usocon qofka aad isleedahay ku dayo! Taas waxaa ka muhiimsan qof walba oo aad la kulantid inaad dhagaysato oo aad isfahamtaan aadna xushmayso qorsheyaasha u yaal iyo halka uu hayaanka u yahay noloshiisa adna aad kaaga hoos ka haysato marwalba adigoo rumaysan inaad kala tihiin labo qof oo kala qoraya labo bog-nololeed. MAKU FARAXSAN TAHAY HEERKA NOLOSHAADU MARAYSO HADA? Waa...