DOORKA MUWAADDINKA
‘’Waa
masuuliyadda shacabka inay ka ilaaliyaan Dawladdu inay khalad ku dhacdo’’ - Robert H. Jackson
Mudo dhan
rubuc-qarni ayuu Dalkeenu la’yahay Dawlad dhexe oo saamayn xoogan leh, inbadan
oo ka mid ah bulshada qaybeheeda wax laga waydiiyo waxay ku sababeeyaan arimo
kala duwan hase yeeshee waxaan anigu sabab uga dhigayaa muwaaddinka
Soomaaliyeed oo isagu aalaaba aan isa saarin mas’uuliyadii uu lahaa.
Markii
dhanka kale laga eego bulshadu waxay u badan tahay kuwo aan aqoon Doorka Muwaaddinku
leeyahay, halka qayb kalena iyaga oo yaqaan ay waayeen dhiiri gelin ku filan.
Inta aan
aqoon Doorka Muwaaddinka waxay eersadeen ka maqnaanshaha Meesha ee hay’adii Qaranka
u qaabilsanayd ku baraarujinta wadaninimada iyo dal jacaylka.
Waxaa xusid
mudan in Dawladdii hore ee Soomaaliya ay u qaabilsanayd dhanka baraarujinta
Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hanuunka Dadweynaha
Muxuu kuu
ogolyahay DASTUURKA Dalku?
CUTUBKA
2AAD; Qodobka 11aad, Nuqulka 3aad:
Xukuumadda
ma takoori karto Qofnaba iyadoo sababeysaneysa da’da, sinjiga,midabka, qabiil,
isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dhalasho, Curyaannimo, diin, siyaasad ama
fikir, xirfad, mulkiyad
Mas’uuliyadaha
Muwaadinka:
1. Barashada Dastuurku waxa uu u
ogolyahay Dawladda
2. Bixinta canshuuraha, dawladdu waxay
wax ku qabataa waa canshuuraha ay ka hesho dadkeeda
3. Innaad u codayso qofka aad isleedahay
wanaaga dalka ayuu wadaa
4. Soo gudbinta baahiyaha dad waynaha si
toos ah ama iyadoo loo marayo Ururadda Bulshada.
5. Difaaca Dalka markii ay timaado xaalad
Deg-deg ah ama markii nabadayn gudaha ah lasamaynayo adoo xoojinaya
ilaaliyeyaasha nabadda.
6. U adeegida bulshada xiliyada
masiibooyinka dabiiciga ah ay dhacaan ama mararka kale ee Dawladdu kuu baahato
hab samafal ah.
Waxaa ay Soomaalidu inbadan horumar ka sameeyeen barisamaadkii waxa ay u
baxsheen ‘’ISKAA WAX UQABSO’’ balse
aad moodo in ay aad ugu adagtahay jiilalka dambe ee bur-burkii ka dambeeyay,
taasina aytahay wax wayn oo naga maqan.
7. Ilaalinta sharciga.
Hadaba
Muwaaddin adigoo waajibaadkaaga ka soobaxaya ayaa hadana ladoonayaa inaadan u
talaabin shaqooyinkii ay Dawladdu lahayd si aysan taasina caqabad u noqon intii
aad lahayd wax hagaaji.
Waan kaaga
mahadcelinayaa wakhtigaaga.
Fadlan la wadaag saaxiibadaa!
-
Axmed
Cabdulqaadir Cumar (Garmaqate)
Ahmettcc17@gmail.com
Facebook.com/ahmettgarma

Comments
Post a Comment