Posts

Image
DALXIISKII CIRIFKA BARI EE AFRICA U DAMBEEYA: Saacadu waa 4 am, waxaan ka dhaqaaqnay Garoowe aniga, saaxiibaday (Najiib Cabdullaahi & Maxamed Bashir) iyo saaxiibo kale oo safarka dalxiiska nagu weheliya. Safarkeena dhamaadkiisu waa halka uu barrigu (dhulku) ku dhamaado oo ah cirifka Bari ee Qaarada Afrika oo ku beegan degmada Xaafuun. Waxaan ka quraacanay Tuulo-Shire, intaa kadib waxaan laamiga dheer ee u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso ka leexanay markaan maraynay meel ku toosan tuulada Kalabayr oo Boosaaso u jirta 60 KM. Cimiladu maahan mid kulul oo cirka waxaa ku xardhan daruuro tiro badan. Saacado aan wado raf ah ku jirnay kadib waxaan nimid Tuulada Dharjaale oo qado naloogu sameeyay, waxaan ku aragnay dad aad noosoo dhaweeyay. Intii aan ku jirnay safarka, marna maanan dareemin amni daro iyo cabsi midna bal e' waxaan arkaynay dad nagu soo dhawaynaya wajiyo farxadi ka muuqato. Ugu dambayn waxaan gaarnay 8:30 fiidnimo degmada qadiimiga ah ee Xaafuun oo horay uga tirsana...

MAXAA UGU MUHIIMSANAA SAFARKII MD. FARMAAJO EE GUDAHA DALKA?

Image
Dalkeena markii burburku ka dhacay waxaa ka soo wareegtay 27 sano, mudadaas waxaa dhashay jiilal cusub oo aan nasiib u yeelan in ay ku barbaaraan nidaam dawladnimo oo aan xitaa aniguba kamid ahay. Waxaa meesha ka baxday ku beeridii wadaninimo ee dad weynaha ama ha noqoto in caruurta iskuulada lagu soo baro ama in hab wacyigelineed lagu baro si guud shacabka, intaa kadib jiilkii dhashay waxay noqdeen kuwo dhagtoodu maqasho isnacayb ka dhexeeya qabiilo Soomaaliyeed balse aysan marnaba maqal wadaniyad iyo dal jacayl cid sheegaysa. Safarkii madaxweyne Farmaajo uu 7 dii Janaayo 2018 ka bilaabay Puntland waxay noqotay ayaan oran karaa bur-burkii kadib markii u horaysay ee dadka Soomaaliyeed ay dib u helaan dareen wadaniyadeed oo dhab ahaansho ah, qof walibana isagoo dareen wadaninimo dareemaya uu usoo baxo muujinta Soomaalinimo. Sidookale waxaan oran karaa faa’iido weyn ayay inoo tahay in caruurta yar-yar ay arkaan dareen sidan ookale ah qalbigoodana ay ku waynaato Soomaalini...

Talo ku biirin dhalinyaradda Hormuudka Horumarka ee Gaalkacyo, Puntland - Soomaaliya.

Image
W/Q: Ahmed Garmaqate HAMBALYAYN! Ugu horayn waxaan idiinku hambalyaynayaa kuna faraxsanahay innaad u noqoteen dhamaan reer Puntland iyo Soomaaliba dhiirigeliyeyaal u horseeday inay dhalinyarada Soomaaliyeed u kacaan wax qabsi iyo is xilqaan, waxaan rajaynayaa innaad wadaan oo iinan ka daalin. JIRITAANKA IYO HAB-DHISMEEDKA KOOXDA/URURKA: Waxa ugu muhiimsan ee Koox/Urur/Bulsho mideeya waa jiritaanka ujeed midaysan ama inay yihiin dad isku meel u socda, hadaba taas ayaan aaminsanahay inay tahay sababta isku kiin keenay oo idin midaysay, ulana baxdeen ‘’Hormuudkii Horumarka’’. Hadaba kolka laga yimaado innaad dhamaantiin rabtaan innaad wax u qabataan bulshadiina aad la nooshihiin, waxa keeni kara innaad waartaan sanado badan oo noqotaan koox leh dhidibo adag waa innaad samaysataan; 1. Madax guud sida Gudoomiye/Gudoomiso iyo xoghayn. 2. Dad idiin kala qaabilsan mas’uuliyadaha kala duwan ee kooxda/Ururka Samafalayaasha, kuwaas oo lagala xisaabtami karo shaqo kadib. 3. Ahdaaf waqtiy...

"Wax badan ka tanaasul si aad u gaarto himiladaada"

Image
Waxa ugu muhiimsan ee aad cimrigaaga ka baran karto waa in ay marwalba jirto RAJO, marar badan oo aad islahayd dhamaad ayay marayaan wax walba ayuu kuu samaysmaa bilaw cusub oo aadan filayn, taas ayaa ku oranaysa waligaa ha is dhiibin, aamin Rabbi dadaalna samee. Dunida qof waliba sheeko/taariikh u gaar ah ayuu leeyahay, waligaa taariikhdaada dib inta u eegtay ma isku dayday innaad hal eray ku koobto? Ma waxaad isleedahay qo f dadaal badan sameeyay ayaad tahay mise qof nasiib badan? Ahmiyada u wayn ee noloshaada badali kara ma ahan inay dadku kaa arkaan waxa ay jecel yihiin balse waa innaad adigu iska dhex aragto waxyaabaha aad u baahan tahay! Marwalba hadii aad wakhti ku bixiso innaad yeelato waxa dadku doonayaan inay arkaan ama aaminsan yihiin, waxaad ka dhigan tahay qof naftiisa u hibeeyay dadka kale ee isagu aan lahayn hiigsi. Nolosha waxa badala waa Go'aan iyo Ficil, qof walba oo guulaysta wuxuu haysraa wakhti lamid ah midka aad haysato, kaliya waxaad ku kal...

HOGAAMINTA SOOMAALIDA IYO SIDA AY U ADAG TAHAY

Image
Waxaan marwalba aragnaa in madaxda Soomaalida la eedeeyo balse maanta aan isku dayno in aan iyaga u garaabno oo shacabku sida ay ula dhaqmaan madaxdooda aan wax ka xusno. Waxaan aaminsanahay inaysan ahayn wax sahlan in lanoqdo hogaamiye ama uusan noqon karinba qof aan karti badan lahayn maxaa yeelay qof aan karti lahayn umad dhan kama soo dhexbixikaro umana noqon karo hogaan, si kasta oo loo dhaliilo qofka hogaamiyaha ah hadana waxaa xaqiiqo ah inay jirto tayo u gaar ah oo uu ku gaaray inuu dad hogaamiyo. DHIBAATOOYINKA IYO CULAYSKA AY MADAXDA SOOMAALIDU KALA KULMAAN SHACACBKA: Dunida kale waxaan uga duwanahay dadka Soomaalidu waa dad badankoodu xiiseeya lana socda hadba halka ay marayso siyaasada dalka taas oo lafteedu caqabad kale ah. WAXAY ISKU DARSADEEN DADKEENU; Firaaqo badan/ dad u badan baago-muundo Badi dadka aragtidoodu waxay ku salaysan tahay hadba reerka uu qofku markaas yahay.   In aysan jirin wax u kala qarsoon oo waxaad arkaysaa in go’aamada xa...

DHALINYARADA IYO KAALINTOODA

Image
 ‘’Dhalinyaradu waa halka laga qiyaas qaato sida Dalkaasi uu noqon karo sanado kadib, Dal walbana mustaqbalkiisu waxa uu ku jiraa gacanta dhalinyaradiisa’’ Dhalinyaranimadu waa wakhtiga riyooyinka iyo hamiga qofku uu bilawdo, waxaa la sheegaa haday Dhalinyaradu hesho hogaan fiican waxay la dagaalamikaraan fakhriga, shaqo la’aanta, hoy la’aanta waxayna sidookale ku dagaalami karaan qadiyada iyo jiritaankooda. Dalkeena Soomaaliya intii lagu jiray bur-burka oo iminka laga joogo 27 sano, dhalinyaradeenu marba heer ayey joogeen, caqabado badana way soo mareen oo ay kamid yihiin; ·          Tahriib ·          Dagaalo sokeeye iyo kuwo kaleba oo loo adeegsaday ·          Xuquuqihii asaasiga ahaa oo aysan helin (Waxbarasho, Caafimaad, IWM), iyo ·          Maandooriye kala duwan oo saameeyey noloshooda. Intaas ...

DOORKA MUWAADDINKA

Image
‘’Waa masuuliyadda shacabka inay ka ilaaliyaan Dawladdu inay khalad ku dhacdo’’ - Robert H. Jackson Mudo dhan rubuc-qarni ayuu Dalkeenu la’yahay Dawlad dhexe oo saamayn xoogan leh, inbadan oo ka mid ah bulshada qaybeheeda wax laga waydiiyo waxay ku sababeeyaan arimo kala duwan hase yeeshee waxaan anigu sabab uga dhigayaa muwaaddinka Soomaaliyeed oo isagu aalaaba aan isa saarin mas’uuliyadii uu lahaa. Markii dhanka kale laga eego bulshadu waxay u badan tahay kuwo aan aqoon Doorka Muwaaddinku leeyahay, halka qayb kalena iyaga oo yaqaan ay waayeen dhiiri gelin ku filan. Inta aan aqoon Doorka Muwaaddinka waxay eersadeen ka maqnaanshaha Meesha ee hay’adii Qaranka u qaabilsanayd ku baraarujinta wadaninimada iyo dal jacaylka. Waxaa xusid mudan in Dawladdii hore ee Soomaaliya ay u qaabilsanayd dhanka baraarujinta Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hanuunka Dadweynaha Muxuu kuu ogolyahay DASTUURKA Dalku? CUTUBKA 2AAD; Qodobka 11aad, Nuqulka 3aad: Xukuumadda ma takoori karto Qofna...