KORITAANKA IYO HORUMARKA QOFNIMO

Qof walba naftiisa isaga ayaa u dooray halka uu joogo maanta ama uu qorshe ahaan hiigsanayo, waxaa laga yaabaa in aad naftaada cadaadis ku saartid inaad wax badan ogaatid si deg-deg ah balse iskuday inaad nolosha u eegto sida iskuul ookale, taas oo la macne ah inaan wax walba halmar lagu baran karin balse maalin walba aad wax cusub baranayso inta aad nooshahay.
Marka aan eego dad badan oo nolosha guulo ka gaaraya, waxaan rumaystaa inaysan qofna qofka kale noloshiisu la nooc ahayn, sidaa awgeed uma baahnid inaad qof uga dayato sidii aad guulahaaga ku gaari lahayd maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inaydan isku meelba usocon qofka aad isleedahay ku dayo!
Taas waxaa ka muhiimsan qof walba oo aad la kulantid inaad dhagaysato oo aad isfahamtaan aadna xushmayso qorsheyaasha u yaal iyo halka uu hayaanka u yahay noloshiisa adna aad kaaga hoos ka haysato marwalba adigoo rumaysan inaad kala tihiin labo qof oo kala qoraya labo bog-nololeed.

  • MAKU FARAXSAN TAHAY HEERKA NOLOSHAADU MARAYSO HADA?
Waa suurto gal halkii hiigsigaagu ahaa inaadan joogin wali balse hadii meesha aad iminka joogtid aad dhib badan ka soo martay inaad maanta soo gaarto, taas ayaa tilmaan u ah inaad hayso wadadii guusha.
  • NAFTAADA MARWALBA KU BARAARUJI WAYDIIMAHAN;
1. Ma leedahay wax hadaf ah nolosha?
2. Qorshaha aad hada ku dhexjirto (shaqo/waxbarasho/iwm) maxaad ka damacsantahay?
3. Guusha u wayn ee aad gaartay?
Waan kaaga mahadcelinayaa wakhtigaaga.
Fadlan u gudbi saaxiibadaa!

- Axmed Garmaqaate

ahmettcc17@gmail.com
Facebook.com/ahmettgarma


Comments

Popular posts from this blog

MAXAA UGU MUHIIMSANAA SAFARKII MD. FARMAAJO EE GUDAHA DALKA?

HOGAAMINTA SOOMAALIDA IYO SIDA AY U ADAG TAHAY