Talo ku biirin dhalinyaradda Hormuudka Horumarka ee Gaalkacyo, Puntland - Soomaaliya.
W/Q: Ahmed Garmaqate HAMBALYAYN! Ugu horayn waxaan idiinku hambalyaynayaa kuna faraxsanahay innaad u noqoteen dhamaan reer Puntland iyo Soomaaliba dhiirigeliyeyaal u horseeday inay dhalinyarada Soomaaliyeed u kacaan wax qabsi iyo is xilqaan, waxaan rajaynayaa innaad wadaan oo iinan ka daalin. JIRITAANKA IYO HAB-DHISMEEDKA KOOXDA/URURKA: Waxa ugu muhiimsan ee Koox/Urur/Bulsho mideeya waa jiritaanka ujeed midaysan ama inay yihiin dad isku meel u socda, hadaba taas ayaan aaminsanahay inay tahay sababta isku kiin keenay oo idin midaysay, ulana baxdeen ‘’Hormuudkii Horumarka’’. Hadaba kolka laga yimaado innaad dhamaantiin rabtaan innaad wax u qabataan bulshadiina aad la nooshihiin, waxa keeni kara innaad waartaan sanado badan oo noqotaan koox leh dhidibo adag waa innaad samaysataan; 1. Madax guud sida Gudoomiye/Gudoomiso iyo xoghayn. 2. Dad idiin kala qaabilsan mas’uuliyadaha kala duwan ee kooxda/Ururka Samafalayaasha, kuwaas oo lagala xisaabtami karo shaqo kadib. 3. Ahdaaf waqtiy...