HOGAAMINTA SOOMAALIDA IYO SIDA AY U ADAG TAHAY

Waxaan marwalba aragnaa in madaxda Soomaalida la eedeeyo balse maanta aan isku dayno in aan iyaga u garaabno oo shacabku sida ay ula dhaqmaan madaxdooda aan wax ka xusno.

Waxaan aaminsanahay inaysan ahayn wax sahlan in lanoqdo hogaamiye ama uusan noqon karinba qof aan karti badan lahayn maxaa yeelay qof aan karti lahayn umad dhan kama soo dhexbixikaro umana noqon karo hogaan, si kasta oo loo dhaliilo qofka hogaamiyaha ah hadana waxaa xaqiiqo ah inay jirto tayo u gaar ah oo uu ku gaaray inuu dad hogaamiyo.

DHIBAATOOYINKA IYO CULAYSKA AY MADAXDA SOOMAALIDU KALA KULMAAN SHACACBKA:

Dunida kale waxaan uga duwanahay dadka Soomaalidu waa dad badankoodu xiiseeya lana socda hadba halka ay marayso siyaasada dalka taas oo lafteedu caqabad kale ah.

WAXAY ISKU DARSADEEN DADKEENU;
  1. Firaaqo badan/ dad u badan baago-muundo
  2. Badi dadka aragtidoodu waxay ku salaysan tahay hadba reerka uu qofku markaas yahay. 
  3. In aysan jirin wax u kala qarsoon oo waxaad arkaysaa in go’aamada xafiisyada dalka looga taliyo si hordhac ah suuqa looga warhayo
  4. Magacyo dacaayad ah oo loo bixiyo qofka markaas xilka haya!


Dalalka kale dadku qayb waxay ku hawlan yihiin arimaha bulshada oo kamaba warhayaan siyaasad iyo arimaheed, qayb kalana waa dad ganacsi iyo wax la halmaala ku jeeda!

Tusaale; hadaad u fiirsato saxaafada bulshada waxaad arkaysaa marwalba in saaxiibadaa badankoodu ay hadal hayaan markaas xaalada dalka ka taagan ayna si shaqsiyan ah u dhaleecaynayaan qofka madaxda ah, ha joogo heer Dawlad Dhexe ama Dawlad Goboleed.


Makula tahay in fursad ku filan lasiiyo madaxda dalka mase kuula muuqataa wax fudud culayska ay wajahaan madaxdu oo uga yimaada qabaa’ilada ama shacabka?


Ahmed Garmaqate

facebook.com/ahmettgarma
twitter.com/ahmettgarma


Comments

Popular posts from this blog

MAXAA UGU MUHIIMSANAA SAFARKII MD. FARMAAJO EE GUDAHA DALKA?