MAXAA UGU MUHIIMSANAA SAFARKII MD. FARMAAJO EE GUDAHA DALKA?
Dalkeena markii burburku ka dhacay waxaa ka soo wareegtay 27
sano, mudadaas waxaa dhashay jiilal cusub oo aan nasiib u yeelan in ay ku
barbaaraan nidaam dawladnimo oo aan xitaa aniguba kamid ahay.
Waxaa meesha ka baxday ku beeridii wadaninimo ee dad weynaha
ama ha noqoto in caruurta iskuulada lagu soo baro ama in hab wacyigelineed lagu
baro si guud shacabka, intaa kadib jiilkii dhashay waxay noqdeen kuwo dhagtoodu
maqasho isnacayb ka dhexeeya qabiilo Soomaaliyeed balse aysan marnaba maqal
wadaniyad iyo dal jacayl cid sheegaysa.
Safarkii madaxweyne Farmaajo uu 7dii Janaayo 2018
ka bilaabay Puntland waxay noqotay ayaan oran karaa bur-burkii kadib markii u
horaysay ee dadka Soomaaliyeed ay dib u helaan dareen wadaniyadeed oo dhab
ahaansho ah, qof walibana isagoo dareen wadaninimo dareemaya uu usoo baxo
muujinta Soomaalinimo.
Sidookale waxaan oran karaa faa’iido weyn ayay inoo tahay in
caruurta yar-yar ay arkaan dareen sidan ookale ah qalbigoodana ay ku waynaato
Soomaalinimadu oo ay hada kadib ahaadaan kuwo ku baraarugsan mas’uuliyada
wadaninimo.
Waxaan jeclaan lahaa in dawladda Federaalku ay la timaado
barnaamijyo wacyigelineed oo dadka lagu baraarujinayo in qofwalba ay ka
saarantahay mas’uuliyad Dalka ee aysan noqon wax ku ekaada Safarkii
madaxweynaha oo halkaa lagu ilaawo.
Axmed Garmaqaate.
facebook.com/ahmettgarma

Comments
Post a Comment