DHALINYARADA IYO KAALINTOODA

 ‘’Dhalinyaradu waa halka laga qiyaas qaato sida Dalkaasi uu noqon karo sanado kadib, Dal walbana mustaqbalkiisu waxa uu ku jiraa gacanta dhalinyaradiisa’’

Dhalinyaranimadu waa wakhtiga riyooyinka iyo hamiga qofku uu bilawdo, waxaa la sheegaa haday Dhalinyaradu hesho hogaan fiican waxay la dagaalamikaraan fakhriga, shaqo la’aanta, hoy la’aanta waxayna sidookale ku dagaalami karaan qadiyada iyo jiritaankooda.

Dalkeena Soomaaliya intii lagu jiray bur-burka oo iminka laga joogo 27 sano, dhalinyaradeenu marba heer ayey joogeen, caqabado badana way soo mareen oo ay kamid yihiin;

·         Tahriib
·         Dagaalo sokeeye iyo kuwo kaleba oo loo adeegsaday
·         Xuquuqihii asaasiga ahaa oo aysan helin (Waxbarasho, Caafimaad, IWM), iyo
·         Maandooriye kala duwan oo saameeyey noloshooda.

Intaas oo caqabadood iyagoo ay jireen ayey hadana inbadan oo kamid ah wax barteen maantana qayb wayn ka yihiin dib udhiska iyo hagaajinta Dalka, runtiina maanta waxaa la oran karaa waa markii ay u wanaagsanaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed 27kii sano ee bur-burku jiray markii laga eego dhanka aqoonta, ganacsiga, doorka ay Dawladda kaga jiraan, iyo kaalinta ay ka qaataan arimaha bulshada.

Inkastoo intaa aan sheegay oo dadaal ah ay sameeyeen dhalinyaradu hadana waxaa jirta in wali dhanka Dawladda Soomaaliyeed iyo kuwa xubnaha ka ahba aysan ka helin wixii ay ka mudnaayeen sida xilal u dhigma qaybtii dhalinyarada iyo taageero kaleba.

Dunida waxa lagu qiimeeyo Wadan ma ahan inta ay le’egtahay hantida dalkaasi balse waa nooca dadkiisu yahay karti iyo aqoon labadaba, waxaa tusaale kuugu filan Dalka Japan oo dadkiisa mar walba lagu sheego dad aad u dadaal badan hase ahaatee aanan haysan khayraad dabiici ah oo badan.

Sidaas awgeed hantida Dal leeyahay waxaa ka muhiimsan dadkii aqoontooda iyo kartidooda kaga shaqeeyay in uu Dalkaasi yeesho hantidaas. Dalkii aanan haysan Dhalinyaro hubin karta mustaqbalka Dalkooda waxaa shaki la’aan ah in ay rajada dalkaasi tahay mid mugdi ah.


MAXAA LA GUDBOON DAWLADDA SOOMAALIYEED?

Waa mas’uuliada Dawladda inay diyaariso dhalinyaro la jaanqaadi karta aduunka maanta aan joogno oo ah mid maraya meel casri ah.

Si loo helo shacab wanaagsan oo qarankooda u shaqeeya bari ka maalin, waa in dawladdu maalgalisaa dhalinyarada dalka oo u diyaarisaa waxbarasho tayo leh, sidoo kale waa in la helo barnaamijyo lagu dhisayo dhalinyarada maskaxdooda laguna abuurayo wadaniyad iyo dal jacayl.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa keenay in ay u fikiraan si guracan oo uu mid walba ku jiro xayndaab qabiil ama kooxo gaar ah waxaa keenaya ka maqnaanshaha meesha ee doorkii Dawladda oo la rabay in ay qayb ka qaadato barbaarinta ubadka Soomaaliyeed dhan walba.

GUNAANAD

Waxaan kula dardaarmayaa dhalinyarada Soomaaliyeed in ay marwalba qorshahooda ku darsadaan in uu jiro waajibaad qaran iyo mas’uuliyado si gaar ah uga saaran dalkooda loona baahan yahay in ay dib uga fikiraan ee aysan ku halayn Maamulada jira hada oo kaliya.


Sawirka: Muqdisho (AFP)

Wakhtigaaga waan kaaga mahadcelinayaa.



Waxaa qoray Axmed Cabdulqaadir (Garmaqaate)
facebook.com/ahmettgarma

Comments

Popular posts from this blog

MAXAA UGU MUHIIMSANAA SAFARKII MD. FARMAAJO EE GUDAHA DALKA?

HOGAAMINTA SOOMAALIDA IYO SIDA AY U ADAG TAHAY