"Wax badan ka tanaasul si aad u gaarto himiladaada"


Waxa ugu muhiimsan ee aad cimrigaaga ka baran karto waa in ay marwalba jirto RAJO, marar badan oo aad islahayd dhamaad ayay marayaan wax walba ayuu kuu samaysmaa bilaw cusub oo aadan filayn, taas ayaa ku oranaysa waligaa ha is dhiibin, aamin Rabbi dadaalna samee.
Dunida qof waliba sheeko/taariikh u gaar ah ayuu leeyahay, waligaa taariikhdaada dib inta u eegtay ma isku dayday innaad hal eray ku koobto? Ma waxaad isleedahay qof dadaal badan sameeyay ayaad tahay mise qof nasiib badan?

Ahmiyada u wayn ee noloshaada badali kara ma ahan inay dadku kaa arkaan waxa ay jecel yihiin balse waa innaad adigu iska dhex aragto waxyaabaha aad u baahan tahay!

Marwalba hadii aad wakhti ku bixiso innaad yeelato waxa dadku doonayaan inay arkaan ama aaminsan yihiin, waxaad ka dhigan tahay qof naftiisa u hibeeyay dadka kale ee isagu aan lahayn hiigsi.

Nolosha waxa badala waa Go'aan iyo Ficil, qof walba oo guulaysta wuxuu haysraa wakhti lamid ah midka aad haysato, kaliya waxaad ku kala duwan tihiin waa in uu naftiisa wakhtigaas ku maalgaliyay.
Guul ayaan kuu rajeeyay!
Ahmed Garmaqate


Comments

Popular posts from this blog

MAXAA UGU MUHIIMSANAA SAFARKII MD. FARMAAJO EE GUDAHA DALKA?

HOGAAMINTA SOOMAALIDA IYO SIDA AY U ADAG TAHAY