Talo ku biirin dhalinyaradda Hormuudka Horumarka ee Gaalkacyo, Puntland - Soomaaliya.

W/Q: Ahmed Garmaqate HAMBALYAYN! Ugu horayn waxaan idiinku hambalyaynayaa kuna faraxsanahay innaad u noqoteen dhamaan reer Puntland iyo Soomaaliba dhiirigeliyeyaal u horseeday inay dhalinyarada Soomaaliyeed u kacaan wax qabsi iyo is xilqaan, waxaan rajaynayaa innaad wadaan oo iinan ka daalin. JIRITAANKA IYO HAB-DHISMEEDKA KOOXDA/URURKA: Waxa ugu muhiimsan ee Koox/Urur/Bulsho mideeya waa jiritaanka ujeed midaysan ama inay yihiin dad isku meel u socda, hadaba taas ayaan aaminsanahay inay tahay sababta isku kiin keenay oo idin midaysay, ulana baxdeen ‘’Hormuudkii Horumarka’’. Hadaba kolka laga yimaado innaad dhamaantiin rabtaan innaad wax u qabataan bulshadiina aad la nooshihiin, waxa keeni kara innaad waartaan sanado badan oo noqotaan koox leh dhidibo adag waa innaad samaysataan; 1. Madax guud sida Gudoomiye/Gudoomiso iyo xoghayn. 2. Dad idiin kala qaabilsan mas’uuliyadaha kala duwan ee kooxda/Ururka Samafalayaasha, kuwaas oo lagala xisaabtami karo shaqo kadib. 3. Ahdaaf waqtiyo fog iyo kuwo dhow oo idiin noqda halbeeg aad ku ogaataan waxa aad gaarteen. 4. Qorshe hawleed aad ku shaqo gashaan oo leh Asbuucle, Bille iyo Sanadle. 5. Xeer hoosaadyo ama shuruuc si uu u jiro nidaam qabanaya cid walba oo idinka tirsan. 6. Baahinta kooxda/Ururka ee Degmooyinka kale ee Gobolka iyo guud ahaan Puntland WAXA AAN ISLEEYAHAY WAAD UGA FAA’IDAYN KARTAAN GAALKACYO IYO GUUD AHAAN PUNTLAND: 1. Dhiraynta Magaalada – waxaan wada ognahay in deegaanadeena ay aad ugu yartahay dhirtu ama aysan jirin cid si gaar ah isaga xil saarta dhiraynta magaalooyinka dhirtuna ay ka mid tahay waxyaabaha aadka u qurxiya deegaanka.
Hadaba waxaan qabaa maanta in ay tahay fursad dahabi ah maadaama ay jiraan tiro intaa le’eg oo dhalinyaro ah una taagan mutadawacnimo.
Waxaa aad muhim u ah inaad samaysaan iyana qaabkii lagu joogtayn lahaa waraabka iyo dayactirka dhirta aad beerteen. Dhirtu waa dhaxal aad uga tagi kartaan deegaanka oo dadka iyo duunyaduba intifaacsanayaan gadaashiin. 2. Ka shaqaynta NABADA – Marka uu qof waliba maqlo magaalada Gaalkacyo waxaa hubaal ah inuu qirayo inay tahay magaalo aad ugu ooman inay hesho isdhex-gal, walaalnimo iyo nabadayn marar badan su’aal lagaliyo. Waxaan qabaa in dhalinyaradu ay tahay rajada ugu wayn ee ay leedahay magaaalada Gaalkacyo uuna qof waliba oo dhalinyaro ah dareemo mas’uuliyadaas. 3. Dhiirigelinta waxbarashada – maadaama aad dhalinyaro u badantihiin aadna doonaysaan innaad bulshada badashaan in ay tahay waxa ugu dhow ee aad ku badali kartaan in aad dhalinyarada ku dhiirigelisaan waxbarashada qof walbana lagu dhiirigeliyo sida uu u dhamaysan lahaa, hadii uusan dhigana uu u bilaabi lahaa. 4. Wixii kale ee ah xaalad taagan una baahan hawlgal! GEBO-GEBO:

Anigu, maadaama aan ka mid ahay dhalinyarada waxaan marwalba taaganahay garabkiina waloow aanan hada joogin magaalada balse waan idinka mid ahay marwalba. Guul iyo jiritaan waara ayaan idiin rajeeyay.

Axmed Garmaqaate.





Comments

Popular posts from this blog

MAXAA UGU MUHIIMSANAA SAFARKII MD. FARMAAJO EE GUDAHA DALKA?

HOGAAMINTA SOOMAALIDA IYO SIDA AY U ADAG TAHAY