DALXIISKII CIRIFKA BARI EE AFRICA U DAMBEEYA:
Saacadu waa 4 am, waxaan ka dhaqaaqnay Garoowe aniga, saaxiibaday (Najiib Cabdullaahi & Maxamed Bashir) iyo saaxiibo kale oo safarka dalxiiska nagu weheliya. Safarkeena dhamaadkiisu waa halka uu barrigu (dhulku) ku dhamaado oo ah cirifka Bari ee Qaarada Afrika oo ku beegan degmada Xaafuun.
Waxaan ka quraacanay Tuulo-Shire, intaa kadib waxaan laamiga dheer ee u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso ka leexanay markaan maraynay meel ku toosan tuulada Kalabayr oo Boosaaso u jirta 60 KM.
Cimiladu maahan mid kulul oo cirka waxaa ku xardhan daruuro tiro badan. Saacado aan wado raf ah ku jirnay kadib waxaan nimid Tuulada Dharjaale oo qado naloogu sameeyay, waxaan ku aragnay dad aad noosoo dhaweeyay.
Intii aan ku jirnay safarka, marna maanan dareemin amni daro iyo cabsi midna bal e' waxaan arkaynay dad nagu soo dhawaynaya wajiyo farxadi ka muuqato. Ugu dambayn waxaan gaarnay 8:30 fiidnimo degmada qadiimiga ah ee Xaafuun oo horay uga tirsanayd Gobolka Bari balse hada ka tirsan Gobolka Karkaar.
Dadka badi markay Xaafuun maqlaan waxaa ku soo dhacaya warshadii cusbada ee gumaystihii Talyaanigu ka sameeyay ku dhowaad qarni ka hor oo ay xiligaas ahayd magaalo ka mid ah kuwa ugu waawayn dhulka Soomaalida. Xaafuun waa magaalo ku taal badweynta Hindiya, dadka deegaankuna waxay u badan yihiin dad ku tiirsan kaluunaysiga.
Qofwalba waxay u ahayd habayn hurdo iyo daal ah kadib safar qaatay ku dhowaad 16 saacadood. Subixii waxaan ku jarmaadnay halkii ujeedkeenu ahaa ee cirifka ay badda iyo barrigu iska galaan oo ah halka uu gumaystihii ka dhisay Guriga ifka bixiya (House of light) oo u jirta Xaafuun 45KM.
Sida aan ku muujiyay sawirada, waxaa halkaa ka dhisan dhismayaal qadiimi ah oo qarni ka hor ladhisay, sida calaamadii ifka lahayd, guryo bur-bur ka muuqdo iyo dhagax meesha oodhan lagu meegaaray. Runtii waxay ahayd wax innaga oodhan aad aan oola yaabnay oo noo noqday waayo aragnimo cusub.
Ugu dambayn waxaan goobta dhignay calaamad qoraal ah oo muujinaysa inay tahay halkani geeska Qaarada Afrika u shisheeya, intaa kadib waxaan kusoo laabanay Xaafuun abaare duhurnimadii.
Habaynkii u dambeeyay ee aan seexano Xaafuun wuxuu ahaa habayn aan samaynay dabshid iyo sheeko, aana dhamaabteen meesha ku karsanay casho kadibna sifiican loogu sheekaystay dabka dushiisa.
NB: Waxaan idinku dhiiri gelinayaa innaad isku daydaan xiliga fasadyada innaad dalkiina barataan oo ku dalxiistaan si aad u aragtaan waxyaabo ka duwan waxyaabaha marwalba noloshaada ku xeeran!
Ahmed Garmaqate
DHIIRI GELIN DAL BARASHO IYO DALXIIS DALKEENA.
FAAFI | SHARE |MAXAA UGU MUHIIMSANAA SAFARKII MD. FARMAAJO EE GUDAHA DALKA?
Dalkeena markii burburku ka dhacay waxaa ka soo wareegtay 27 sano, mudadaas waxaa dhashay jiilal cusub oo aan nasiib u yeelan in ay ku barbaaraan nidaam dawladnimo oo aan xitaa aniguba kamid ahay. Waxaa meesha ka baxday ku beeridii wadaninimo ee dad weynaha ama ha noqoto in caruurta iskuulada lagu soo baro ama in hab wacyigelineed lagu baro si guud shacabka, intaa kadib jiilkii dhashay waxay noqdeen kuwo dhagtoodu maqasho isnacayb ka dhexeeya qabiilo Soomaaliyeed balse aysan marnaba maqal wadaniyad iyo dal jacayl cid sheegaysa. Safarkii madaxweyne Farmaajo uu 7 dii Janaayo 2018 ka bilaabay Puntland waxay noqotay ayaan oran karaa bur-burkii kadib markii u horaysay ee dadka Soomaaliyeed ay dib u helaan dareen wadaniyadeed oo dhab ahaansho ah, qof walibana isagoo dareen wadaninimo dareemaya uu usoo baxo muujinta Soomaalinimo. Sidookale waxaan oran karaa faa’iido weyn ayay inoo tahay in caruurta yar-yar ay arkaan dareen sidan ookale ah qalbigoodana ay ku waynaato Soomaalini...

Wonderful.
ReplyDelete